Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Maraykanka oo dib u eegaya talaabadii uu ciidamadiisa ugala baxay Somalia

Wasaaradda difaaca Mareykanka ayaa sheegtay in talaabadii uu Trump ciidamada uga saaray Soomaaliya ay suurtagal tahay inay yeelato saameyn aanan wanagsaneyn marka loo eego xaaladda Soomaaliya.

Sii-hayaha xilka Kaaliyaha Wasiirka Difaaca Mareykanka Cristofar Mayer ayaa u sheegay Guddiga ciidanka Qaranka ee Golaha Aqalka sare ee Mareykanka ugu magacaban in lagu deg-degay tillaabada ciidamada Mareykanka looga saaray Soomaaliya”.

Waxa uu hadalkiisa ku sii daray in Maamulka madaxweyne Joe Biden ay ka arinsanayaan suurtagalnimada in dib u eegis lagu sameyo ciidanka Mareykanka ee laga saaray Somalia kuwaas oo lageeyay Jabuuti iyo Kenya.

Mayer waxa uu shaaca ka qaaday inay jiraan Shaqsiyaad ka tirsan Wakaaladaha ay arintaan quseyso oo doonaya in dib uu eegis lagu sameeyo go’aankii Trump.

Tirada ciidamada Maraykanka ee Soomaaliya  laga saaray ayaa lagu sheegaa inta u dhaxaysa 650-800 kuwaasi oo Soomaaliya u joogay inay tababaraan isla markaana caawiyaan ciidamada Soomaalida gaar ahaan ciidanka Danab.

Mareykanka ayaa Soomaaliya ka fuliyay duqeymo ay la beegsadeen Al-Shabaab ee ku sugan qeybo ka mid ah Soomaaliya, iyagoona ka dilay saraakiil iyo dagaalameyaal ka tirsan Al-Shabaab, taasina waxaa ay keentay in ay Al-Shabaab ay soo wajahdo cabsi iyo khal khal sababay iney xadidaan dhaqdhaqaaqooda.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Dhacdooyinkii ugu danbeeyay ee ka dhacay gudaha Soomaaliya & Dowladda Turkiga oo soo bandhigay qorshe cusub !!

admin

Saciid Ciise: “Somalia waa meesha kaliya ee qofkii ku dila uu geeridaada ka tacsiyadeynayo”

Caydiid Ali

Tigrey oo lagu eedeeyay in ay qeyb ka yihiin dagaalka sukeeye ee ka socda Sudan

Cabdi Cade
Taboola Ads ---