Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Ciidamada AMISOM oo wareejiyey amniga degmo ku dhow Muqdisho (Sawirro)

Ciidanka Xoogga dalka ayaa mas’uuliyadda amniga ee degmada Afgooye kala wareegay howlgalka Midowga Afrika ee AMISOM.

Xaflad lagu qabtay degmada Afgooye ee gobolka Shabeelaha hoose, ayaa waxaa ka qeybgalay, saraakiil uu kamid yahay taliyaha ciidanka dhulka, Jen. Maxamed Tahliil Biixi, Ku-xigeenka taliyaha AMISOM, taliyaha qeybta 12 Abrill ee xoogga dalka, guddoomiyaha gobolka Shabeelaha hoose iyo mas’uuliyiin kale.

Taliyaha ciidanka dhulka Janaraal Tahliil ayaa sheegay in ay ku faraxsan yihiin in maanta ay AMISOM kala wareegaan amniga degmada Afgooye, isagoo AMISOM ugu mahad celiyay gacantii ay ku lahaayeen sugidda ammaanka Soomaaliya.

General Shume, ah ku xigeenka howlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya AMISOM ayaa sheegay in talaabadan ay ku jirtay qorshaha kala guurka oo dhigayay in ciidanka xoogga dalka ay la wareegaan mas’uuliyadda ammaanka.

Dowladda Soomaaliya ayaa dadaal badan ku bixisay sidii tababar iyo qalabeyn ugu sameyn laheyd ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed si ay ula wareegaan mas’uuliyadda ammaanka dalka.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Qaybta 2 aad :-Maxaa sababay in saddex jeer la Cadaabo qoomkii loo diray Nebi Shuceyb CS?

admin

Soomaali gubay kaniisado ku yaalla dalka Norwey oo xukun lagu riday

Caydiid Ali

Beesha Dir oo Saluugsan Magacaabista Wasiirada iyo Taliyaasha Maamulka Soomaalida Itoobiya

Cabdi Cade
Taboola Ads ---