Allbanaadir.com
NEWS

Madaafiic khasaaro geesatay oo lagu weeraray Xarunta Xalane ee Muqdisho

Waxaa saakay tiro madaafiic ah lagu garaacay xarunta Xalane ee magaalada Muqdisho, halkaas oo ah xarunta looga taliyo AMISOM sidoo kale ay degan yihiin Safiiro iyo Diblumaasiyiin reer Galbeed ah .

Madaafiicda lagu garaacay xarunta Xalane ayaa la sheegay in badankood ku dhaceen guryo dad shacab ah degan yihiin oo kuyaala degmada Wadajir, waxaana madaafiicdaasi lasoo tabinayaa in khasaaro nafeed ka dhasheen.

Dadka degan agagaarka Xarunta Xalane ayaana ka argagaxay madaafiicdan saakay kusoo dhacday xaafadaha ku dhaw dhaw Xalane, waxaana dadka qaar bilaabeen  in ay guryahooda banaanka uga baxaan markii madaafiicda bilaabatay.

Xerada Xalane ee madaafiicda lagu garaacay waxaa maalmihii lasoo dhaafay degnaa madaxda maamulada Puntland iyo Jubbaland oo isku aamini waayay magaalada Muqdisho inteeda kale deegaana ka dhigtay gudaha Xalane.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Trump oo ka falceliyey cafiska uu Biden u fidiyey wiilkiisa

Caydiid Ali

Madaxweyne Donald Trump oo weerar afka ah ku qaaday Sadiq Khan

Cabdi Cade

Ra’isul Wasaare Xamse Barre oo Shaaciyay in Musuqmaasuqa yahay Cudur aad u xun (Sawirro)

Cabdi Cade
Taboola Ads ---