Allbanaadir.com
NEWS

Dowlada Soomaaliya oo si kulul u cambaareesay fal ay geesteen Ciidamada Puntland

War saxaafadeed kasoo baxay dowlada federaalka Soomaaliya ayaa si kulul loogu cambaareeyay rasaas la sheegay in ciidamada amaanka maamulka Puntland ku fureen dad shacab ah oo banaan bax ka dhigayay magaalada Dhahar ee Gobolka Sanaag.

Dowlada Soomaaliya warka kasoo baxay ayaa lagu sheegay in ciidamada amaanka Puntland si ula kac ah rasaas ugu fureen dad shacab aan hubeesneen oo dhigayay banaan bax nabadeed.

”Dowladda Federaalka Soomaaliya waxay aad uga xun tahay falkii foosha xumaa ee maanta ka dhacay magaalada Dhahar ee Gobolka Sanaag oo ay ciidamada Amniga Puntland si ula kac ah xoog iyo xabad ugu adeegsadeen bulshada ku dhaqan magaaladaas oo samaynayay banaanbax nabadeed.” ayaa lagu yiri qoraalka Dowlada kasoo baxay.

Dowlada Soomaaliya ayaa sheegtay in fal kasta oo waxyeello loogu geysanayo shacab aan hub wadan uu yahay mid aan la aqbali karin, waxa ayna dowlada Soomaaliya ku baaqay in la ilaaliyo nabadda iyo xasiloonida, shacabkana la dhawro.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Wararkii Ugu Dambeeyay qaraxii ka dhacay Xarunta Degmada Howl Wadaag (Daawo Sawirada)

Cabdi Cade

Dhalinyaro Soomaali ah oo kamid noqday dadkii qabowga ugu dhintay Xadka Turkiga iyo Gariiga

Cabdi Cade

Sheekh Aadan Madoobe oo fuliyay mid kamid ah Shuruudihii Musharaxiinta Koonfur Galbeed

Cabdi Cade
Taboola Ads ---