Allbanaadir.com
NEWS

Wararkii ugu Dambeeyay kulan dhax maray Fahad Yaasiin iyo Cabdirashiid Janan

Wararka ka imaanaya degmada Baled Xaawo ee gobolka Gedo ayaa ku waramaya in halkaasi ay gaareen taliyaha ciidanka Nabad sugida iyo sirdoonka Qaranka Fahad Yaasiin iyo masuuliyiin kale oo katirsan dowlada Federaalka.

Waxaa sidoo kale degmada Balad Xaawo soo gaaray Wasiirkii hore ee amniga maamulka Jubbaland Cabdirashiid Janan iyo saraakiil kale oo katirsanaa maamulka Jubbaland kuwaa oo heshiis la gaaray dowlada federaalka.

Wararka aan heleyno ayaa sheegaya in degmada Beled Xaawo kulan xasaasi ah ku dhax maray taliyaha Hay’adda nabad sugida Fahad Yaasiin iyo wasiirkii hore ee amniga maamulka Jubbaland Cabdirashiid Janan.

Kulankan labada dhinac dhax maray ayaa lagu soo waramayaa in lagu dhameestirayay heshiiska ay gaareen dowlada federaalka iyo Cabdirashiid Janan oo mudo dagaal kula jiray ciidamada dowlada ee ku sugan Gedo isaga oo matalayay maamulka Jubbaland.

Heshiiska dowlada federaalka la gashay Cabdirashiid Janan ayaa ah mid lagu dhabar jabinayo Madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe, waxaana Janan DF ku qancisay in ay cafineyso lana siinayo lacag badan si uu dalka dibadiisa ugu noolaado.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Aas Qaran oo Muqdisho loogu sameeyey Taliyihii Ururka 6aad ee Kumandoska Gorgor

Caydiid Ali

Maxkamada ciidamada qalabka sida ee DF oo xukuntay ajaaniib ka tirsanaa Al-Shabaab

Caydiid Ali

Malaaq Xasan Gaalle Xuseen oo geeriyooday iyo Madaxweyne ka hadlay geeridiida

Cabdi Cade
Taboola Ads ---