Allbanaadir.com
NEWS

Madaxweyne Farmaajo iyo Wafdi uu Hogaaminayo oo gaaray Baydhabo (Daawo Sawirada)

Madaxweynaha Jamhuuriyada Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdulaahi Farmaajo iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa goordhaw gaaray magaalada Baydhabo ee xarunta KMG ee maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya.

Shariif Xasan Sheekh Aadan Madaxweynaha Maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya iyo Masuuliyiin kale ayaa garoonka Diyaaradaha magaalada Baydhabo kusoo dhaweeyay Madaxweyne Farmaajo iyo wafdiga la socda.

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa loo galbiyay xarunta Madaxtooyada Maamnulka Koonfur Galbeed Soomaaliya oo la filayo in saacadaha soo aadan uu ka furmo Shirka Amniga Qaranka ay yeelanayaan Madaxda dowlada iyo kuwa maamul goboleedyada.

Magalaada Baydhabo waxaa hada ku sugan Madaxweynhe Farmaajo ,Ra’isul Wasaaare Kheyre iyo inta badan Madaxda maamul goboleedyada, waxaana si weyn loo adkeeyay amaanka guud ee magaalada Baydhabo inta uu shirka socdo,

 Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Xarun muhiim u ah G/Banaadir oo 30-sano kadib dib loo hirgaliyay (Daawo Sawirada)

Cabdi Cade

Ganacsato reer Finland ah oo maalgashi nooc cusub ah ka bilaabaya Muqdisho

Caydiid Ali

Cafis Madaxweyne oo loo fidiyay in ka badan Sadex Boqol oo Maxaabiis ah

Cabdi Cade
Taboola Ads ---