Allbanaadir.com
NEWSPUNTLAND

Madaxweyne Siciid Deni oo goordhaw Cafis Madaxweyne Fidiyay (Akhriso Wareegto)

Wareegto goordhaw kasoo baxday Xafiiska Madaxweynaha dowlad goboleedka Puntland Siciid Cabdullaahi DeniĀ  ayaa cafis Madaxweyne loogu fidiyay Wariye Kilwe Aadan Faarax oo ku xiran xabsi kuyaala magaalada Garawe.

Wariyaha cafiska goordaw loo fidiyay ayaa horey loogu eedeeyay in uu sameeyay barnaamijyo kicin ah , waxaana Madaxweyne Deni horey u sheegay Wariyahan in uu yahay dambiile lana marsiinayo cadaalada.

Halkan ka Akhriso Wareegtada Cafiska Madaxweyne uu fidiyay Siciid Deni

Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa soo saaray Xeer Madaxweyne Lr.13 Maarso 22, 2021, kuna saabsan fidin Cafis Gaar ah.
Ā 
Madaxweynaha Dowladda Puntland
Ā 
Markuu arkay: Dastuurka Dowladda Puntland Qodobkiisa 80-aad farqadiisa 11aad
Ā 
Markuu arkay: Qodobka 149-aad. ee Xeerka Ciqaabta Soomaaliyeed
Ā 
Wuxuu xeeriyey:
Ā 
1. Waxaa cafis Madaxweyne oo gaar ah loo fidiyey Xukumane Kilwe Aadan Faarax
Ā 
Xeerkani wuxuu dhaqan geleyaa markuu Madaxweynuhu saxiixo, wuuna saxiixay.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Madaxweyne Deni oo Niyada u dejiyay Mahad Cawad iyo Xildhibaano kale oo wal walsan

Cabdi Cade

Dad cabsi badan ka qaaday Sawir Libaax oo goob beer ah ku arkeen (Sawirro)

Cabdi Cade

Iran oo qabatay Shabakada u shaqeeneysay Sirdoonka Isra’il iyo keyd hub ah

Cabdi Cade
Taboola Ads ---