Allbanaadir.com
NEWS

Daawo Sawirada: Farmaajo oo Gudoomiyay Shir Horu dhac ah oo ka dhacay Teendhada Afisiyooni

Madaxweynaha waqtigiisu dhamaaday ee Maxamed Farmaajo ayaa guddoomiyey kulan hordhac u ah Shirka Qaran ee dhammeystirka Arrimaha Doorashooyinka iyo fulinta heshiiskii 17-ka Sabteembar 2020 ee ay ansixiyeen Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.
 
Kulankan waxaa ka qeyb galay Ra’iisul Wasaaraha Xil gaarsiinta Xukuumada Soomaaliya  Rooble, Madaxweyneyaasha maamulada Galmudug , Koonfur-galbeed , Hirshabeelle  iyo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir .
Waxaa ka maqnaa kulankan horu dhaca u ah shirka looga hadlayo khilaafka ka taagan doorashada iyo fulinta heshiiskii horey loo gaaray Madaxda maamul goboleedyada Puntland iyo Jubbaland .
Waxaa socda dadaalo beesha caalamka ku dooneyso in Madaxda maamulada Puntland Iyo Jubbaland uga qeyb galaan shirka looga hadlayo arimaha doorashada ee ka furmaya teendhada Afisiyooni ee xeendaabka Garoonka Aadan Cadde.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Erdogan oo dib u doorashadisii ka dib socdaalkii ugu horeeyey ku tagaya dibeda

Caydiid Ali

Madaxweyne Xassan Shiikh oo saddex arrin ku amaanay Catriona Laing (Sawirro)

Caydiid Ali

Dani oo fariin u diray Villa Somalia & Axmed Madoobe oo ciidamo u diyaarsaday Gedo

Caydiid Ali
Taboola Ads ---