Allbanaadir.com
NEWS

Farmaajo iyo qaar kamid ah Madaxda maamul goboleedyada oo go’aan isla qaatay

Waxaa xalay xarunta Madaxtooyada Soomaaliya kulan albabaabada u xirnaayeen ku qaatay Madaxweynaha mudo xileedkiisu dhamaaday , Ra’isul Wasaaraha xil-gaarsiinta iyo madaxda maamul goboleedyada ee Dowlada federaalka taabacsan.

Kulanka ayaa sida aan wararka ku helnay looga tashanayay shirka la filayo in maanta ka furmo teendhada Afisiyooni ee kutaala xeendaabka Garoonka Aadan Cadde, halkaas ay isugu imaanayaan Madaxda DF iyo kuwa dowlad goboleedyada.

Madaxweynaha waqtigiisa dhamaaday Farmaajo ayaa la sheegay in Madaxda maamul goboleedyada taabacsan iyo gobolka Banaadir ka codsaday in isku go’aan noqdaan ayna raacaan talaabo kasta oo DF qaadeyso.

Madaxda maamul goboleedyada taabacsan Dowlada federaalka ayaana dhankooda ogolaaday in raali ka yihiin ayna ku daba feelsan yihiin Farmaajo lana qaadanayaan go’aan kasta uu isagu rabo.

Gabo gabada shirka ayaana la sheegay in Madaxda Dowlada federaalka iyo kuwa maamul goboleedyada taabacsan meel isla dhigeen go’aano iskuna raaceen in hal ajando la tagaan shirka si uga adkaadaan madaxda maamulada Puntland iyo Jubbaland oo ka aragti duwan.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Xildhibaano badan oo maanta qaatay Shahaadada rasmiga ah ee Xildhibaanimo (Magacyada)

Cabdi Cade

Axmed Madoobe oo la kulmay wafdi ka socda DF oo hal arrin u tagay Kismaayo (Sawirro)

Caydiid Ali

Sargaal katirsan Booliiska Puntland oo la dilay iyo nin la tuhmayo oo la qabtay

Cabdi Cade
Taboola Ads ---