Dowlada Itoobiya ayaa qorsheeneysa in ay sameesato Maraakiib dagaal oo loogu tala galay in ay adeegsadaan ciidanadooda Badda, waxaana Itoobiya dooneysaa in ay dhisto ciidamo awood leh oo kuwa Badda ah.
Ra’isul Wasaaraha Dalka Itoobiya Abiye Axmed ayaa sheegay in la dhisayo ciidamada Badda Itoobiya sidoo kale sameesanayaan Maraakiib dagaal oo loogu tala galay in ay adeegsadaan ciidankooda.
Abiye Axmed ayaa sheegay in dowladda Itoobiya dhistay Ciidamada Dhulka iyo Cirka ee ugu wanaagsan Afrika,haddana ay qorsheynayaan in ay dhisaan Ciidanka Badda iyo Maraakiib dagaal ay ku howl galaan.
Dowlada Itoobiya ee hada Qorsheeneysa in ay dhisto ciidankeeda Badda soona iibsato Maraakiib dagaal ayaa la isweediinayaa halka ay adeegsan doonaan maadaama dalka Itoobiya aysan laheyn wax bad ah.
Dalka Itoobiya waxaa ku yaala machad dadka lagu baro cilmiga Badda iyo ilaalinta Xeebaha, waxaana sanad waliba ka qalin jebiya 500 oo Qof, R/Wasaaraha Itoobiya ayaa ku baaqay in la kordhiyo dadka Machadkan ka qalin jabinaya lana gaarsiiyo ilaa kun qof.
Itoobiya oo ah dal aan bad laheyn ayaa heshiisyo kala duwan la gashay Wadamada Jabuuti, Sudan iyo Kenya si ay u adeegsato Dekadahooda, waxa ay sidoo kale Itoobiya saami laga siiyay Dekadda magalaada Berbera ee Soomaaliya.
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com