Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

(Akhriso) Taliska Booliska Somalia oo ka jawaabay hadal ka soo yeeray Deni

Warqad kasoo baxday Taliska Ciidanka Booliska Soomaaliya ayaa lagu sheegay ineysan jirin ciidan dheeri ah oo lagu daabulay garoonka diyaaradaha ee Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho.

Waxaa sidoo kale warqada lagu sheegay in ciidanka Booliska Soomaaliyeed iyo kuwa AMISOM ee ku sugan garoonka dayuuradaha ay si caadi ah u wataan howl maalmeedkooda.

Hadalkan ayaa u muuqda mid loogu jawaabayo Madaxweynaha Puntand Saciid Deni oo  sheegay in ciidamo ka tirsan DF ay xalay ku soo weerareen xeyndaabka garoonka dayuuradaha oo ay degan yihiin isaga iyo Madaxweyne Madoobe, isagoo intaas ku daray in ciidamo badan hareeraha laga dhigay.

Hoos ka akhriso qoraalka Booliska

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

DEG DEG: Beesha caalamka oo War ka soo saartay kiiska Ikraan & khilaafka Madaxda dalka

Caydiid Ali

Indhacadde oo ka digay qaraxyo lala damacsan yahay siyaasiyiin caan ah iyo xubno kale

Caydiid Ali

(Daawo Sawirro) Burburka xooggan ee soo gaaray hotelkii lagu weeraray Kismaayo

Caydiid Ali
Taboola Ads ---