Allbanaadir.com
NEWS

Dowlada oo Shaacisay goobta rasmiga ah ee lagu qabanayo Shirka Farmaajo iclaamiyay

Madaxweynaha waqtigiisa dhamaaday ee dowlada federaalka Soomaaliya ayaa xalay mar kale iclaamiyay shir looga hadlayo arimaha doorashada oo ay isugu imaanayaan dowlada federaalka iyo dowlad goboleedyada .

Wasiirka wasaarada Warfaafinta Xukuumada Soomaaliya Cusmaan Dubbe oo warbaahinta la hadlay ayaa shaaciyay in shirka uu iclaamiyay Madaxweyne Farmaajo uu ka dhacayo teendhada Afisiyooni ee ciidamada Cirka.

Waxa uu sheegay Wasiirka in shirkaasi furmayo 22-ka bishan sida uu iclaamiyay Madaxweynaha, waxa uuna tilmaamay in shirkaasi qaban qaabadiisa ay wado Xafiiska Ra’isul Wasaaraha Soomaaliya.

Warkan kasoo baxay Dowlada Soomaaliya ayaa meesha ka saaraya khilaaf la sheegay in uu horey uga jiray goobta lagu qabanayo shirka, maamulada Jubbaland iyo Puntland ayaana horey u dalbaday in Teendhada Afisiyooni lagu qabto shirka halka DF ay diidaneed.

Shirkan uu mar kale Iclaamiyay Madaxweynaha waqtigiisa dhamaaday ayaan la ogeyn in uu u qabsoomi doono, mana jiro ilaa hada wax war ah ay maamul goboleedyada dalka ka jira kasoo saareen shirkan mar kale Farmaajo iclaamiyay.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

https://youtu.be/c_uYkF7gndI

Related posts

Kenya oo Turkiga u gacan gelisay afar qof oo Turkish ah iyo walaac laga muujiyay

Cabdi Cade

Wasiirka Difaaca iyo Taliyaha ciidanka XDS oo abaabul dagaal ka wada Baxdo (Sawirro)

Caydiid Ali

Taliyaha ciidanka Dhulka oo Baydhabo kula kulmay Saraakiil u dhashay Ingiriiska

Cabdi Cade
Taboola Ads ---