Allbanaadir.com
NEWS

Dalkii ugu horeeyay oo Muslim ah oo Safaarad ka furanaya magaalada Qudus

Madaxweynaha dalka Turkiga Recep Tayyip Erdogan ayaa shaaca ka qaaday in Safaarad ka furanayaan bariga magaalada Barakeesan ee Qudus .

Khudbad uu jeediyay Madaxweyne Recep Tayyip Erdogan ayuu ku sheegay in Safaaradooda Falastiin ay ka furanayaan Bariga magaalada Qudus, waxa uuna intaa raaciyay in halkaasi horey ugu taalay Qunsuliyad.

Madaxweynaha Turkiga ayaa horey u cambaareeyay go’aankii dowlada Mareykanka magaalada Qudus ugu aqoonsatay Caasimada Maamulka Israa’il, waxa uuna sheegay Erdogan in Qudus tahay Caasimada Falastiin.

Magaalada Qudus waxaa xoog ku heesta maamulka Israa’il oo aaminsan in ay tahay Caasimadooda, waxaana dhamaan si weyn loo cambaareeyay go’aankii Mareykanka Qudus ugu aqoonsaday Caasimada Israa’il.

 

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Nin 53-sanno jir kufsi iyo afduub u geestay Gabar 11 jir ah oo Muqdisho lagu qabtay

Cabdi Cade

Safiiro Mareykan ah oo shaqada uga tagaya Madaxweyne Trump dartiis

Cabdi Cade

Dugsiga Amiin Quran Online oo Fursad qaaliya u haya Qurbajoogta Soomaaliyeed iyo Carruurtooda

Cabdi Cade
Taboola Ads ---