Allbanaadir.com
NEWS

Puntland iyo Jubbaland oo ka fal celinaya Qoraalkii kasoo baxay Farmaajo

Madaxweynaha mudo xileedkiisu dhamaaday ee Farmaajo ayaa mar kale iclaamiyay shir looga hadlayo khilaafka iyo muranka ka taagan doorashada waqtigeeda dhaaftay , shirkan ayaana waxaa isugu imaanaya DF iyo dowlad goboleedyada.

Maamulada Puntland iyo Jubbaland oo isbaheysi hoose leh kana wada tirsan madasha Badbaado Qaran ayaa la filayaa in ka felceliyaan ayna jawaab ka bixiyana shirkan uu mar kale iclaamiyay Farmaajo.

Wasiirka Arrimaha Gudaha maamulka Puntland Maxamed Cabdiraxmaan Dhabancad, ayaa sheegay in maamulka Puntland jawaab cad ka bixin doonto qoraalka xalay saqdii dhaxe Farmaajo shirka ku iclaamiyay.

Madaxda maamulada Puntland iyo Jubbaland ayaa maalmo badan ku sugan magaalada Muqdisho, waxa ayna labadan madaxweyne u yimaadeen Muqdisho ka qeyb galka shirka looga hadlayo doorashada ay garwadeyn ka tahay Beesha Caalamka.

Lama oga in maamulada Puntland iyo Jubbaland diidi doonaan ama soo dhaweyn doonaan shirkan uu mar kale iclaamiyay Farmaajo, waxa uuna iclaaminta shirkan imaanaya xili uu khilaaf ka jiro goobta rasmiga ha ee shirkan lagu qabanayo.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

https://youtu.be/c_uYkF7gndI

Related posts

Iska horimaad ka dhacay Muqdisho iyo khasaare nafeed oo ka dhashay

Caydiid Ali

Ciidamo ka qeyb galaya Howlgalka lagu qabsanayo Xarardheere oo la sagootiyay (Sawirro)

Cabdi Cade

Madaxweyne Xasan oo ka hadlay Geerida Sh: Cusmaan Xiddig

Cabdi Cade
Taboola Ads ---