Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Farmaajo oo markii 6 aad iclaamiyay Shir looga hadlayo arimaha Doorashada !!

Muqdisho, Maarso 20, 2021; Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa 22-ka Maarso 2021 ku baaqay shir lagu dhammeystirayo dadaalladii iyo wadaxaajoodyadii arrimaha doorashooyinka ee udhexeeyey

Shirkan oo labo maalmood soconaya waxaa looga gol leeyahay in lagu soo gabagabeeyo talooyinkii Guddiga Farsamada Doorashada ee ka soobaxay shirkii Baydhabo 15-16 Febaraayo 2021, kaas oo xal looga gaaray tabashooyinkii ka soo laabtay heshiiskii doorashooyinka ee 17-kii Sebteembar 2020.

Madaxweyne Farmaajo ayaa ku boorriyay Madaxweyneyaasha Dowlad Goboleedyada iyo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir in ay ahmiyad wayn siiyaan shirkan lagu dhammeystirayo tabashooyinkii kasoo laabtay heshiiskii doorashooyinka si dalka loogu jiheeyo doorasho xor iyo xalaal ah.
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Beesha Caalamka oo War kasoo saartay Xaalada Siyaasadeed ee Galmudug

Cabdi Cade

Madaxweyne Laftagareen oo ka hadlay Dagaalkiii saakay ka dhacay Baydhabo Baaqna diray

Cabdi Cade

Ra’iisul Wasaare Xamse oo la kulmay Dhaqaatiir Dibadda uga timid gurmadka Qaraxii Soobe (Sawirro)

Cabdi Cade
Taboola Ads ---