Madaxweynaha dalka Maraykanka Joe Biden, ayaa shaki xoogan la galiyay xaaladiisa caafimaad, kadib markii uu dhoor mar ku turunturooday jaran jarada diyaarada Air Force One uu ku safrayay.
Muuqaal la duubay ayaa laga arkayay Madaxweyne Joe Biden oo 78-sano jir ah oo ku turanturooday diyaarada khaaska ah dhoor mar xili uu Jimcihii maanta u safrayay gobolka Atlanta ee dalka Mareykanka.
Ku-xigeenka Xog-hayaha Saxaafadda ee Aqalka Cad Karine Jean-Pierre ayaa saxaafadda u sheegtay inuu in Madaxweyne Biden boqolkiiba boqol fiican yahay caafimaadkiisa uuna si caadi ah usii watay safarkiisa.
Warbaahinta caalamka ayaana si weyn u baahiyay Muuqaalka Madaxweyne Biden oo dhoor mar kufay intii uu diyaarada raacayay, waxaana dadka qaar ee dhacdadan ka felceliyay shaki galiyeen xaalada Caafimaad ee Madaxweynaha dhawaan la doortay.
Madaxweynaha cusub ee dalka Mareykanka Joe Biden ayaa noqday ninkii ugu da’da weynaa ee qabta xilka Madaxweynaha Mareykanka, waxaana xilkaasi loo doortay isaga oo jira 78-sano .
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com