Waxaa maanta garoonka diyaaradaha Doolow ee gobolka Gedo ka degay diyaarado siday ciidamo badan oo katirsan milatariga Soomaaliya gaar ahaan kuwa sida gaarka ah u tababaran ee Gor Gor.
Ciidamadan oo laga qaaday magaalada Muqdisho ayaa horey usii qaatay hubka nuucyadiisa kala duwan ay ku howlgalaan iyo gaadiidka ay dagaal ay adeegsanayaan, waxa ayna ciidanka qeyb ka noqonayaan ciidanka dowlada ee la geeyay Gedo.
Sida aan wararka ku helnay ciidamada maanta la geeyay gobolka Gedo ayaa halkaasi lagu geeyay amar kasoo baxay Madaxweynaha mudo xileedkiisu dhamaaday ee Maxamed Cabdulaahi Farmaajo.
Ciidamadan Gor Gor katirsan ee maanta la geeyay gobolka Gedo ayaan la ogeyn ujeedka halkaasi loo geeyay, waxaana ciidanka dowlada ka dejisay kusoo aadayaa xili gobolkaasi ka jiro abaaro xoogan oo saameeyay dad iyo duunyo.
Dowlada Soomaaliya ayaa ciidamo badan oo katirsan kuwa dowlada ku daabushay gobolka Gedo, xili ay xusid mudan tahay in gobolada Banaadir saaran qeybo kamid ah maamulaan Al Shabaab ayna awood u laheyn dowlada in halkaasi tagto.
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com