Allbanaadir.com
NEWS

Mareykanka oo War kulul kasoo saaray Jahwareerka ka taagan Siyaasada Soomaaliya

Bayaan good dhaweyd ka soo baxay xoghayahay arrimaha dibada Mareykanka Antony Blinken ayaa lagu sheegay in Mareykanku ka walaacsanyahay jahawareerka siyaasadeed ee ka jira Soomaaliya, taas oo khatar ku ah amniga, xasilloonida iyo horumarka Soomaaliya.

“Waxaan ugu baaqeynaa Dowladda Federalka iyo dowladaha xubnaha ka ah inay meel iska dhigaan ujeedooyinka gaaban ee siyaasadeed, ayna ilaaliyaan waajibaadka ka saaran dadka Soomaaliyeed, isla markaana ay oggolaadaan in si deg deg ah loo qabto doorasho daah furan oo loo dhanyahay” ayaa lagu ayuu Blinken ku yiri war- saxaafadeedkii uu maanta soo saaray.

“Caqabadaha taagan waxay dib u dhigayaan horumarkii la sameeya, wadada hadallada deyn cafinta ee ay Somalia ku socoto iyo la dagaallanka Argagixisada” ayuu sii raaciyay.

Blinken wuxuu bayaankiisa ku sheegay in Mareykanku taageersanyahay xuquuqda muwaaddiniinta Soomaaliyeed ay u leeyihiin inay u mudaaharaadaan si nabad ah, ayna ay weyn uga soo horjeedaan koox kasta oo rabshado abuureysa.

“Waxaan ka codsaneynaa hoggaamiyaasha Soomaaliya inay ilaaliyaan mustaqbalka dalkooda, ayna gaaraan heshiis si deg deg ah loogu qabto doorashooyinka baarlamaanka iyo madaxweynaha” ayuu Blinken ku soo gaben-gabeeyay.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Daawo Sawirada: Madaxtooyada cusub ee loo dhisayo Galmudug iyo Qoor Qoor oo kormeeray

Cabdi Cade

Ergeyga DF u qaabilsan Somaliland oo kulan la qaatay Madaxweyne Geelle (Sawirro)

Caydiid Ali

Xildhibaanada Golaha Shacabka oo maanta Ansixinaya Miisaaniyadda Dowladda ee 2019-ka

Cabdi Cade
Taboola Ads ---