Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Dowladihii Yurub ee hakiyey talaalka AstraZeneca oo go’aan cusub qaatay

Iyadoo Wakaalada Dawooyinka Yurub ay xaqiijisay in wax waxyeelo ah uusan sababeyn talaalka Covid-19 ee AstraZeneca ayaa dowladaha Yurub ee hakiyey bixintiisa waxay shaaciyeen inay dib u bilaabayaan inay dadkooda siiyaan talaalkan

Wadamada Germany, France, Spain, Italy iyo kuwa kale oo horey u shaaciyay inay joojiyeen isticmaalka AstraZeneca ayaa maanta qaarkood dib u bilaabaya inay shacabkoodi siiyaan.

Ra’iisul Wasaaraha UK Boris Johnson ayaa sheegay in maanta oo Jimco ah uu qaadan doono talaalkaasi.

Wasiirada caafimaadka wadama Yurub ayaa dhankoodi shaaciyay inay bilaabayaan qaadasha Daawada talaalka ee AstraZeneca ee ka dhanka ah CoronaVirus.

Tallaalka AstraZeneca ee looga hortago xanuunka muddooyinkan dunida sida daran u aafeeyay ee COVID 19 ayaa todobaadkan la gaarsiiyay Soomaaliya.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

https://youtu.be/TF7oLuHAExU

Related posts

Madaale oo dhagax-dhigay dhismaha xafiiska mashruuca Nagaad

Cabdi Cade

Tallooyin Muhiim ah oo ku socda dadka Damaashaadka u taga xeebta Liido Xilliyada Habeenkii

Cabdi Cade

Sadex kamid ah Madaxda maamulada dalka oo Garawe lagu soo dhaweeyay (Daawo Sawirro)

Cabdi Cade
Taboola Ads ---