Madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin ayaa jawaab ka bixiyay hadalkii dhiggiisa Mareykanka Joe Biden uu ka sheegay wareysi lala yeeshay, kaasoo ahaa inuu Putin u arko dilaa.
“Waa inuu qofku barto kan kale,” ayuu yiri Mr. Putin oo la hadlayey telefishin Ruushka laga leeyahay, wuxuuna Mr Biden ugu baaqay inuu si toos ah ula hadlo.
Mr Putin ayaa diiday eedeymaha ah in waaxihiisa ammaanka ay isku dayeen inay dilaan siyaasiga mucaaradka ah ee Alexei Navalny.
Mr Biden ayaa ka hadlayay warbixinta sirdoonka Mareykanka oo lagu sheegay in Mr Putin uu amray olole faragelin ah, doorashadii madaxtinnimada Mareykanka bishii Novermber ee sanadkii hore.
Ruushka ayaa u yeeray safiirkiisa si uu ugala hadlo in laga hortago in xiriirka uu sii xumaado. Dowladda Ruushka ayaa sheegtay in Anatoly Antonov lagu wargeliyay inuu ka soo tago Washington uuna yimaado Moscow.
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com
https://youtu.be/TF7oLuHAExU