Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Maxay ka wada hadlayaan Galmudug & dowlad degaanka Soomaalida? (Sawirro)

Wasiirka Amniga Galmudug Axmed Macalin Fiqi oo ka mid wafdi wasiirro iyo taliyaha ciidamada Nabadsugidda Galmudug oo booqasho ku jooga magaalada Wardheer ee dawlad deegaanka Soomaalida ayaa kulamo kula qaatay wafdi uu hogaaminayo dhiggiisa Hogaanka Nabadgalyada Dawlad deegaanka Dr. Xuseen Qaasim iyo taliyaal ka socda ciidamada Qaranka Itoobiya iyo kuwa dawlad deegaanka ee Liyuu Booliska.

Labada wafdi ayaa yeeshay kulamo muhiim ah oo ku saabsan: nabadgalyada xuduudaha, qiimayn heshiisyo amni oo horay labada dhinac ay u kala saxiixdeen, dhacdooyin amnidarro iyo isku dhacyo maleeshiyaad ku dhexmaray xadka labada dal ee ku aaddan labada maamul iyo sidoo kale sidii la isaga kaashan lahaa amniga xuduuda dheer ee labada maamul u dhexeysa iyo sidoo kale la dagaalanka argagixisada iyo kuwa gacansaarka la leh.

Kulamada ayaa weli soconaya ayadoo mas’uuliyiinta labada dhinac ay qodobada intooda badan isla fahmeen, qodobada dhimanna maantay laga sii wada hadli doono.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

https://youtu.be/TF7oLuHAExU

Related posts

Boqortooyada Sacuudiga oo wax badan ka badeshay Aragtidii ay ka qabeen Israa’il

Cabdi Cade

Wasiir katirsan dowlada Uganda oo Amar ku bixiyay arin amakaag ku abuuray shacabka !!

Cabdi Cade

Somaliland oo ka hor timid War-Murtiyeedkii IGAD & taliye ka tirsan NISA oo xilka laga qaaday

Caydiid Ali
Taboola Ads ---