Wakaaladda Dawooyinka Yurub oo beryahan baaris ku heysay tallaalka AstraZeneca ee loogu talo galay COVID-19 ayaa baaristeeda soo gabagabeysay.
Wakaaladdu waxay sheegtay in AstraZeneca uu yahay mid leysku halleyn karo waxtarna leh, aysana waxba ka jirin wararkii maalmahan soo baxayey ee sheegayey in talaalkan uu leeyahay waxyeelo.
Tallaalkan ayaa dhowaan la geeyay Soomaaliya waxaana jirtay cabsi ay dadku ka qabeen, maadaama dalal badan oo Yurub ku yaalla ay isticmaalkiisa hakiyeen.
Talaalkan Oxford-AstraZeneca waxaa si wadajir ah iskaga kaashadey inay soo saaraan Jaamacadda Oxford iyo shirkada daawooyinka Astrazeneca. Wuxuuna marey dhamaan tijaabooyinkii looga bahnaa in talaal la marsiiyo si loo isticmaalo.
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com
https://youtu.be/TF7oLuHAExU