Allbanaadir.com
NEWS

Khilaafka Madaxda Puntland iyo Galmudug oo xal loo raadinayo iyo Dadaalo socda

Magaalada Muqdisho waxaa ka bilowday dadaalo xal loogu raadinayo khilaaf hoose oo u dhaxeeya Madaxda maamulada Puntland iyo Galmudug ,Siciid Cabdullaahi Deni iyo Axmed Cabdi Kaariye Qoor Qoor.

Labada Madaxweyne oo mudooyinkii lasoo dhaafay ahaa kuwa aad isugu dhaw ayaa waxaa soo kala dhax galay khilaaf kadib markii siyaabo kala duwan labada Madaxweyne Eedeemo hawada isugu mariyeen.

Xildhibaano iyo Siyaasiyiin kasoo kala jeeda maamulada Puntland iyo Galmudug ayaa magaalada Muqdisho ka bilaabay dadaalo ay isugu keenaayaan Siciid Deni iyo Qoor Qoor si meesha looga saaro khilaafka soo kala dhax galay.

Sida aan wararka ku heleyno Madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe ayaa sidoo kale qeyb ka ah dadaalka lagu doonayo in la isugu keeno Madaxweynayaasha maamulada dariska ah ee Galmudug iyo Puntland.

Madaxweynaha Galmudug ayaa si weyn uga carooday khudbad uu Saciid Deni ka jeediyay magaalada Garawe uu si weyn ugu weeraray, waxaana labada Madaxweyne waxii xiligaas ka dambeeyay soo kala dhax galay khilaaf iyo kala shaki.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Aqalka sare oo ka hadlay sababta ay uga baaqdeen furitaanka kalfadhiga Baarlamanka (Akhriso)

Caydiid Ali

Taliska Ciiddanka xoogga iyo kuwa ATMIS oo yeeshay shir ka dhan ah Al Shabaab (Sawirro)

Cabdi Cade

Masuul loo diiday in uu gudaha u galo garoonka diyaaradaha Ugaas khaliif iyo Warar kale oo xul ah

Cabdi Cade
Taboola Ads ---