Wakiilka Qaramada Midoobey ee Soomaaliya James Swan ayaa ka hadlay xaaladdihii ugu dambeeyey ee Soomaaliya, sida doorashooyinka iyo khilaafka weli ka taagan arrimaha doorashooyinka
Ergeyga ayaa xusey sida muranka mudada sanadka ku dhow soo socdey uu u curyaamiyey adeegyadii kale ee muhiimka u ahaa dowladnimada Soomaaliya.
James Swan ayaa sheegey in kulanka la filayo inay Muqdisho ku yeeshaan madaxda dowladda federaalka iyo dowlad goboleedyada uu yahay mid muhiim u ah mustaqbalka Soomaaliya iyo heshiis laga gaaro muranka hanaanka doorashooyinka dalka.
“Inkastoo aan ka niyad jabay doorashada Soomaaliya in aysan ku dhici doonin nidaamkii dastuurku dhigayey ee qof iyo cod, oo laga gaari waayey, hadana muhiim ayey aheyd in heshiis laga gaaro doorashada, sababtoo ah hadda waxaa la joogaa waqtigii shaqa hufan la qaban lahaa, waxaa la joogaa waqtigii la gaari lahaa heshiis kama dambeys ah” ayuu yiri James Swan.
Waxaa uu balan qaaday inay sii wadi doonaan xiriirrada ay la leeyihiin mas’uuliyiin muhiimka u ah hanaanka doorashooyinka Soomaaliya, kuwaasoo uu ka xusay Madaxweye Farmaajo, RWe Rooble, hoggaamiyaasha maamul goboleedyada, madaxweynayaashii hore Xasan Sheekh Maxamuud iyo Shariif Sheekh Axmed iyo dhinacyada kale ee siyaasada.
“Soomaalida waxaan siineynaa taageero dhanka dhaqaalaha ah, taas waxaa naga codsaday xafiiska ra’iisul wasaaraha, waxaana ku raacay xafiiska madaxweynaha, waxaan diyaarineynaa Teendho ama Hool ku yaalla garoonka diyaaradaha, waxaana bixin doonaa dhaqaalaha gobollada dalka looga keenayo ergooyinka maamullada dalka, sidoo kale AMISOM waxaan kala shaqeyneynaa sugidda ammaanka, waxaana rajeynayaa in wadahadalladani ay sii socdaan, iyagoo ka dhacaya meel ammaan ah, sida ay isku raaceen madaxda Soomaalida,” ayuu yiri James Swan.
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com