Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Madaxweynaha Maraykanka oo hanjabaad kulul u diray dhigiisa Ruushka

Madaxweynaha Mareykanka Joe Biden ayaa sheegay in dhiggiisa Ruushka, Vladimir Putin uu ka qomameyn doona isku daygii ay ku doonayeen inay ku farageliyaan doorashadii Mareykanka ka dhacday sanadkii hore.

Mr. Biden oo la hadlayay telefishenka ABC ayaa sidoo kale sheegay inuu u maleynayo in madaxweynaha Ruushka uu yahay nin dilaa ah.

Moscow ayaase beenisay warbixinta Mareykanka ee la daabacay talaadadii lasoo dhaafay, taasoo madaxweyne Putin ku eedeysay inuu isku dayay inuu minja xaabiyo madaxtinimada Biden, taageerana u muujiyo madaxweynihii hore, Donald Trump.

Afhayeenka aqalka Kremlinka ayaa sheegay in eedeynta Mareykanka ay tahay mid aan sal iyo raad lahayn oo la been abuuray.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Xassan Shiikh oo Magaalada Baydhabo ka daah-furay olole cusub (Sawirro)

Caydiid Ali

Hoobiyeyaal caawa lagu Weeraray xarunta taliska Ciidanka AMISOM ee Xalane

Caydiid Ali

Macalin Iskuul oo dil argagax leh magaalada Muqdisho ugu geestay Xaaskiisa !!

Cabdi Cade
Taboola Ads ---