Taliyaha Xoogga dalka oo ka hadlay iska horimaad culus oo galabta ka dhacay Muqdisho
Taliyaha ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed Cabdiwali Jaamac Xuseen Gorod ayaa digniin ka soo saaray isku dhacyadda ciidamada dowladda Soomaaliya, isagoo ka hadlay iska horimaad galabta labo ciidan ku dhexmaray Muqdisho.
Gorod ayaa sheegay in maalmihii la soo dhaafay ay Magaalada Muqdisho ka socdeen falal Amniga Khatar ku ah , Maadaama ay jireen iska horimaadyo ka dhaxeeyay ciidamada xasilinta iyo kuwa xoogga dalka Soomaaliyeed.
Gorod ayaa uga digay Ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed in ay kasoo baxaan Saldhigyadooda amar la’aan.
Waxaa uu sheegay in ciidamada xasilinta sidoo kale laga doonaayo in ay tixgaliyaan ciidamada kale oo ay weydiiyaan aqoonsiyadda ay wataan.
Hadalka Taliyaha ayaa kusoo beegmaya xilli Maalmihii lasoo dhaafay ciidamada xasilinta lagu eedeeyay in ay Magaalada Muqdisho ku dileen ciidamo ka tirsan xoogga dalka Soomaaliyeed oo Magaalada hub ku dhexwatay.
Iska horimaadkii ugu dambeeyey ayaa galabta labada ciidan ku dhexmaray agagaarka Ex-kuliyadii ciidamada Jaalle Siyaad oo ku taalla wadada warshadaha halkaasoo uu qof ku dhintay qof shacab ah iyadoo khasaaraha kala gaaray ciidamada isku dhacay aan la ogeyn.
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com