Allbanaadir.com
NEWS

Ciidan aan laheyn calaamad lagu garto oo Muqdisho laga howlgeliyey & walaac ka dhashay

Xukuumadda Soomaaliya ayaa qaaday talaabooyin lagu adkeynayo amaanka magaaladda Muqdisho, waxaana isbadal lagu sameeyay hanaankii amniga caasimadda loo sugi jiray.

Ciidamadda Xasilinta ayaa lagu kordhiyay ciidamo aan labisneyn oo u Howlgala si ka duwan sidii hore.

Talaabooyinka cusub ee lagu sugayo Amniga Caasimadda ayaa ah kuwo lagu dhaqan galinayo balanqaadkii dowladda ee ahaa in amniga caasimadda lagu sugayo 90 maalmood.

Isbadaladda Amni ee la sameeyay waxaa ka mid ah iyadoo Isgoysyadda Magaaladda la dhigay gawaari lagu buufiyay calaamada Booliska oo heegan ah xilliyadda habeenkii ee falalka Amni darro ay ka dhacaan caasimadda.

Dhalinyarro ka tirsan Hey’adda Nabad sugidda iyo Sirdoonka Qaranka oo aan labisneyn dareys ciidan ayaa lagu kordhiyay baarista gaadiidka iyo dadka saran.

Dadweynaha ayaa muujinaya cabsi ku aadan ciidamadda, gaar ahaan kuwa aan labisneyn dharka ciidamadda, waxay dadku shaki galinayaan sida lagu aamini karo dhalinyarro aan labisneeyn oo hubeysan hadana Gaadiidka joojinaya.

“Sideen ku aaminaa?, maxaan ku aqoonsannaa?, malabisna ee maxaan yeelnaa” ayuu yiri Mooto-wade lagu joojiyay goob ay Ciidamadaddu gaadiidka ku baarayeen, iyadoo hadal heynta arrintan ay magaalada ku sii baaheyso.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

 

 

Related posts

Madaxweyne Deni oo si weyn loogu soo dhaweeyay Deegaanka Gobsho (Sawirro)

Cabdi Cade

(Sawirro) Deni iyo Musharaxiin kale oo isku diiwaan geliyey doorashada Madaxweynaha

Caydiid Ali

Ra’isul Wasaare Xamse oo xaliyay Tabashooyin ay qabeen madax katirsan Galmudug iyo Jubbaland

Cabdi Cade
Taboola Ads ---