Tani waa sheeko sawir muhiim ah ka bixineysa Halista Tahriibka iyo doorka ay Mukhalisiinta ku leeyihiin ku hoobashada ay dhallinta ku hoobtaan jidkaas halista badan.
Tebintii: Ifrax Axmed, TRS
Tahriibku waa mid ka mid ah dhibaatooyinka ugu halista badan ee xilligan ay dunida wajaheyso, waxaana ku dhamaada dhallinyaro u badan hanaqaad oo naftooda halis galiya iyaga oo isku dayaya in ay ka baxsadaan amni darro ama duruufo shaqo la’aan ah oo galiya niyad jab ay naftooda halis ku galiyaan.
Barnaamijyo taxane ah oo lagu soo bandhigayo Halista Tahriib, kuwaas oo ay soo bandhigtay The International Emerging Film Talent Association (“IEFT”), ayna soo saare ka tahay Ifraax Axmed oo ah ololeeye Soomaaliyeed oo aad loo qaddariyo ayaa waxaa ay diiradda saarayaan sidii bulshada loogu soo bandhigi lahaa Halista dhabta ah ee Tahriibka iyo sheekooyinka naxdinta badan ee laga warinayo dadka ka soo badbaaday tahriibka.
TAHRIIB – BUUFIS KHATAR AH
Tahriibku waa buufis khatar ah oo halis galiyo nafta qof walba ee tahriiba. Waxaa dhacda in tahriibayaasha iyaga oo silac badan maray, haddana, ay ku dhintaan tahriibka oo ay u rumoobi weydo riyadoodii aheyd in ay helaan nolol ka wanaagsan tan ay ka tahriibayaan. Ama iyaga oo rafaad badan soo maray inay doon raacaan oo ay badda kula qalibanto. Intii dhimatay mooyee inta badbaadday in dib loogu soo celiyo halkii ay doonta ka raaceen markii hore. Taasi waxay u horseeddaa niyad jab kale oo hor leh, kaas oo keeni kara inuu qofku galo xaalad adag. Waxaa jira kooxo loogu yeero muqalisiin kuwaas oo dhallinyarada ku qanciya in ay tahriibaan, kaddib markii ay magafayaasha u gacan galaan lacagta ay madaxfurashada u qaataan magafayaasha ayaa qeyb yar laga siiyaa muqaliska.
Ridwaan waa wiil Soomaaliyeed oo tahriibe ah, kaas oo ka tahriibay magaalada Boorama kaddib markii uu dhiirigalin ka helay saaxiibadiis horey u tahriibay oo nasiibka ku saaciday in ay ka gudbaan jidkaas halista badan ee isugu jiray saxaraha, magafayaasha iyo badda.
Ridwaan waxaa uu sharaxayaa sida uu ku baxay isaga oo aan la tashan waalidkiis iyo dhibaatada ka qabsatay markii uu u gacan galay magafayaasha.
“Markii aan tahriibay ee la i qabsaday ayaan qoyskeyga u sheegay in aan tahriibay oo nimankii magafayaasha ahaa gacantooda aan ku jiro, magafayaasha in markiiba lacag horey laga soo diro ayey rabeen, dadkaygiina way ku adag tahay oo lacagtii ma hayn, muddo ayaa la i heystay aadna la ii silcinayey. Muddadaas la i heystay ee la i silcinayey waxaan ku maaweelinayey magafayaasha in ay lacag soo socoto, waxaan u sheegayey in qoyskeyga ay lacagta soo diri doonaan, balse waa la i jirdilayey mar walba waxaa la i lahaa la hadal qoyskaaga, waanse iska adkeysanayey maadaama aan ogaa in qoyskeyga aysan lacagta si deg deg ah u soo diri karin, waana xanuun xiskeyga aad saameyn ugu leh illaa hadda”
Ifraax Axmed waxaa ay koox tahriibayaal ah dhex dhigtay su’aal ah sida ay u arkaan dhibaatada uu ka sheekeeyey Ridwaan.
“Waxaa uu nala wadaagay waa dhibaatooyinka tahriibta qayb ka mid ah uun, waana dhibaato xanuun badan oo dareen xanuun badan xambaarsan” Tahriibe ayaa yiri
Hooyo Soomaaliyeed oo qudheeda horey tahriibka u saameeyey ayaa tiri “Tahriibku waa dhibaato dhallinyarada heysata, saaxiibadood Yurub tagay ayaa u soo diraya sawiro qurxoon oo ah halka ay Yurub ka joogaan, taas ayaa ku dhiirri galinaysa in ay halista u bareeraan. Dhibaatada kale ee jirtana waa in aysan waalidkood u sheegayn marka ay tahriibayaan, waa ay ka dhuuntaan waalidka wada tashi la’aan, waalidkooda lacag ha hayo ama yuusan heyn dhalinyarada way iska dhuumataa, marka ay magafaha u gacan galaan uun ayey soo ooyaan”
Tahriibe kale oo isaga qudhiisa soo arkay xanuunka uu ka sheekeeyey Ridwaan mid la mid ah ayaa yiri “Tahriibku waa arrin dhib badan, waayo qofka wuu iska socdaa, waddamo uusan u dhalan ayuu sifo sharci darro ah ku galaa, halistuna way weyn tahay, qof kastana wuu og yahay”
Hooyo Soomaaliyeed oo la tahriibtay lix carruur ah oo ay dhashay ayaa iyadana ka sheekeysay dhibaatada ka qabsatay Tahriibka. “Aniga oo lix ciyaal ah wata ayaan jidkaas dhibka badan ka soo gudbay oo Ilaahey Masar i keenay, waxaan ka soo tarhiibaySoomaaliya, waxaan soo maray Itoobiya, Suudaan illaa Masar. Markii aan Masar nimid oo ay carruurteydii waxay arkeen in ay doomo Tahriib ah ka baxaan halkan, way igu ooyeen oo waxay rabeen in aan u fasaxo oo ay doonta isku biimeeyaan, waan ka diiday. Been ayaan ku maaweeliyaa wiilasheyda, UN ayaa na qaadi doona ayaan ku dhahaa”.
SAFAR DILAA AH
Tahriibku waa safar dilaa ah oo qatartiisuna la isku wada raacsan yahay, waxaana ku lug leh laba koox oo qawleysato ah oo kala ah Muqalisiin dadka been u sheega, dhiirrigaliya, una dira tahriibka iyo magafayaal dadka qabsada, ciqaaba, ugu xadgudba si daran, kana qaata lacag kumanaan doolar ah ah oo madaxfurasho, taas oo ay qeybsadaan iyaga iyo muqalisiinta.
“Xanuunka uu tahriibku leeyahay waxaa ugu weyn in aad ku dhimato, waxaana ugu yar in ay ku diloodaan gaajo iyo harraad, waxaanse intaas ka sii daran in gabdhaha la kufsado, ragga iyo dumarkaba la jir dilo, la silciyo, haddana lacag madaxfurasho ah laga qaato” Ayuu yiri Tahriibe kale
“Meesha ugu xun ee loo tahriibo waa Liibiya, silcinta xad dhaafka ah waxaa ka daran in sheekooyinka kale ee xanuunka badan ee laga soo warinayo. Qof harraaddan oo biyo waydiistay qof kale ayaa gacanta looga jabiyey, yacni biyo aan nafta ku ceshado isii qof aad dhahday inuu gacanta kaa jabiyo wax ka arxan darro badan ma jiraan”
Tahriibka oo ay maraan kummanaan dhalinyaro Soomaaliyeed ah waxaa laga soo wariyaa sheekooyin xanuun badan oo aan la dhegeysan karin, kuwaas oo ay ka mid yihiin in dadka lagu hayo meel saxare ah oo aad u kulul, iyaga oo aan cunto iyo biyo la siineyn, kaddibna habeenkii lagu hayo meel ay ka dhacayaan dabeyl aad u qabow, siigo guurguureysa iyo masas ciidda la socda oo dad dil ah, kuwaas oo galiya nafta tahriibaha.
SABABAHA QASBA TAHRIIBKA EE U BAAHAN IN WAX LAGA QABTO
Dadka tahriibka xanuunkiisa soo arkay ee kaddibna geeridiisa ka soo badbaaday waxaa ay ka sheekeynayaan dhibaatooyin uusan maanku xamili karin oo dhegeysigooda laga qaado qalbi xanuun. DHibaatooyinkaas oo isugu jira kuwo tahriibayaasha qaar ku qasbay in ay dalkooda ka cararaan iyo kuwa ay kala kulmeen jidkii ay ku tahriibeen iyo halkii ay tageen, waxaase ka sheekeeya Tahriibayaasha geerida ka badbaaday.
Tahriibe ku sugan Masar ayaa ayaa Ifraax Axmed uga sheekeeyey dhibaatada ku qasabtay inuu tahriibo iyo silaca uu ka maray tahriibka.
“Aniga waxaa igu kallifay in aan soo cararo waa markii la ii hanjabay, kaddibna la isoo weeraray, si la ii dilo, waalidkeygana waa la dilay”
“Waa la i dili lahaa haddii aan sii joogi lahaa dalka, Ilaahey ayaa nafta haya, laakiin in aan noolaan lahaa ma filayo. Waayo aniga oo dhaawac ah oo aan heysan fursad aan isku daweeyo ayaan Muqdisho ka soo cararay, waxaa qarax lagu dilay hooyadey, waxaa la ila afduubay walaalkey kaddibna la dilay, aniga oo dhaawac ah ayaan soo fakaday. Waxaa intaas ka daran, 30 tahriibe ayaan Suudaan ku soo galnay, dhammaantood tahriibka ayay ku dhinteen, aniga kaliya ayaa ka nool soddonkii”
GUNAANAD
Tahriibku waa jid khatar badan oo qofka tahriibay u uku galo halis badan oo ay ka mid tahay in la dilo, inuu saxaraha ku dhinto, in lacag madaxfurasho ah laga qaato, in la kufsado, inuu badda ku dhinto, in la ciqaabo oo baco la dhalaaliyey lagu gubo, in la silciyo oo xubnaha jirka laga naafeeyo iyo in uu qofka galo xaalad waalli ah oo uusan mar danbe miyir yeelan.
Waxaa waajib ku ah dowladda iyo maamulgobaleedyada dalka in ay ammaanka sugaan, dhalinyaradana shaqo u abuuraan. Waaliddiintana waxaa ku waajib ah in ay carruurtooda ka waaniyaan tahriibka. Hormuudka bulshadana waxaa ku waajib ah in ay qaadaan olole dadka lagu wacyi galiyo si loo joojiyo halista tahriibka.
=Dhamaad=
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com