Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Qoor qoor oo kulamo xasaasi ah la qaatay Yamamooto iyo James Swan

Madaxweynaha Galmudug mudane Axmed Cabdi Kaariye Qoorqoor oo maanta soo gaaray magaalada Muqdishu ayaa kulan la qaatay Ergeyga gaarka ah ee Qaramada Midoobay James Swan.

Madaxweynaha Galmudug iyo ergeyga gaarka ah ayaa ka wada hadlay dadaalada beesha caalamka ay ugu jirto qabsoomidda Shir lagu dhameystirayo arrimaha doorashooyinka gaar ahaana heshiiskii 17kii September 2020 ee Muqdishu iyo shirarkii guddiyada farso ee Baydhabo kusoo gabogaboobay 16ki Febraayo 2021.

Madaxweynaha Dowladda Galmudug mudane Axmed Cabdi Kaariye Qoorqoor ayaa sidoo kale isla maanta kulan la qaatay Danjiraha Dowladda Mareykanka U fadhiya Soomaaliya Md. Yamamooto.

Qoor-qoor ayay wararka qaar sheegayaan inuu diidan yahay in shirka lagu qabto xarunta Xalane, dalabkaasoo ay wataan madaxda Jubbaland iyo Puntland oo haatan ku sugan Xalane, waxaana Qoor qoor uu doonayaa in shirku ka dhaco Muqdisho gudaheeda sida Villa Somalia.

Madaxda DF ayaa la sheegay iney fekerkaas la qabaan Madaxweyne Qoor-qoor, waxaa soo baxaya is maandhaaf cusub oo la xiriira halka lagu qabanayo shirka arrimaha doorashooyinka kaasoo aan la ogeyn halka uu ku dambeyn doono.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Marxuum Cumar Carte oo aas qaran loogu sameeyey Hargeysa (Daawo Sawirro)

Caydiid Ali

Dagaal ka socda degmada Wanle-weyn & maamulka Sh/hoose oo ka hadlay

Caydiid Ali

Khilaaf culus oo mar kale ka dhex dilaacay Qaramada Midobay iyo Israa’iil

Caydiid Ali
Taboola Ads ---