Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Madaxweyne Farmaajo oo qaatay talaalka cusub ee ka hortaga cudurka COVID-19

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo qaatay tallaalka  Cudurka COVID-19 ayaa adkeeyey masuuliyadda adag ee shacab iyo dowladba inaga saaran samatabixinta caafimaad iyo nololeed ee dalkeenna.

Madaxweynaha ayaa xoojiyey walwalka ku aaddan in ay yartahay feejignaanta shacabka Soomaaliyeed ee cudurkan iyo halistiisa sii kordheysa, iyadoo la fududeysanayo talooyinka iyo awaamirta caafimaad ee lagu ilaalinayo badqabkeenna.

“Masuuliyad adag ayaa inaga saaran daryeelka muwaadiniinteenna si aan uga hortagno in uu soo rito cudurkan safmarka ah ee dunida aafeeyey. Muhiimadda ugu weyn waa in aan dadaal kasta gelinnaa ka hortagga cudurkan innaga oo xoojineyna tayada iyo adeegyadeenna caafimaad.”

Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa ku bogaadiyey Wasaaradda Caafimaad XFS, dhakhaatiirta, kalkaaliyeyaasha, Adeegayaasha iyo guud ahaan Bahda Caafimaadka dalkeenna dadaalka mugga weyn ee ay ku bixinayaan badqabka caafimaad ee shacabka Soomaaliyeed, iyagoo ku shaqeynaya duruufo adag.

Madaxweynaha oo ku ammaanay Xukuumadda uu hoggaaminayo Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble dadaalka ay ku bixisay in tallaalka Cudurka COVID-19 uu soo gaaro dalkenna ayaa tilmaamay muhiimadda ay leedahay wada-shaqayn xooggan ee ka dhaxeysa Guddiga heer Federaal ee Xakameynta Cudurka COVID-19 iyo Guddiyada heer Dowlad Goboleed, taas oo aasaas u ah daadejinta adeegyada cafimaad ee lagu wajahayo cudurkan safmarka ah.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Madaxweyne Guudlaawe oo la kulmay madax ka socotay DRC iyo IMC (Sawirro)

Cabdi Cade

Mareykanka oo ku baaqay in laga hortago in Shiinaha uu qabsado Dunida

Cabdi Cade

Madaxweyne Deni: “Culaysyo dhinacyada Xuduudaha ka saaran ayaa ka jirey Kismaayo” (Sawirro)

Caydiid Ali
Taboola Ads ---