Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Midowga Yurub oo Somalia ka fulinaya Mashruucii ugu weynaa muddo 30 sano ah

Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Midowga Yurub ayaa kala saxiixday  heshiis ku saabsan  dhismaha wadooyin muhiim u ah Dalka.

Heshiiskan ayaa qeyb ka qaadanaya dhismaha waddooyinkan oo lama huraan u ah kobcinta kaabayaasha dhaqaalaha dalka, waxaana sida ku xusan heshiiska Midowga Yurub uu bixin doonaa qarashka ku baxaya dhismaha wadooyinka hoos ku qoran.

1- Waddada isku xirta Beled Weyne – Galkayo oo  dhan  327  km.

2- Waddada isku xirta Galkayo – Garowe oo dhan 240 km

3- Waddada isku xirta Galkayo – Hobyo oo dhan 241 km.

4- Wadada isku xirta Luuq, Ganane – Dolow oo dhan 80 km.

Dowladda Federaalka Soomaaliya ee uu hoggaamiyo madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa dadaal xooggan dhismaha marinada dalka oo ku burburay dagaaladii sokeeye.

Dowladda ayaa hadda ku guuleystay dhismaha wadada isku xirta Muqdisho iyo Afgooye oo dhan 30-km, halka dhinaca kalena la guda geli doono jidka isku xira Muqdisho iyo Jowhar oo heshiiskii Qatar lala galay qeyb ka ah.

Mashruucan uu maalgelinayo Midowga Yurub oo dib loogu dhisayo jidadka isku xira gobolada dalka qaarkood ayaa noqonaya kii ugu weynaa ee Soomaaliya laga fuliyo muddo 30 sano ah.

HOOS KA AKHRISO QORAALKA HESHIISKA

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Ciidamadii Ahlu Sunna oo saakay la warteegay Degmo ciidamada Dowlada gacanta ku hayeen

Cabdi Cade

Dad ka badan 120-qof oo lagu dhax dilay xabsi kuyaalla dal Afrika katirsan

Cabdi Cade

Wasiirka Batroolka & Macdanta Soomaaliya oo looga yeeray xafiiska Xeer-ilaalinta

Cabdi Cade
Taboola Ads ---