Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Madaxweyne Qoor-qoor oo goor dhow soo gaaray Muqdisho iyo Laftagareen oo..

Madaxwaynaha Galmudug Axmad Qoor-qoor ayaa goor dhow soo gaaray Muqdisho ka dib safar uu ugu maqnaa dalka Turkiga

Waxaa garoonka dayuuradaha Aadan cadde ku soo dhoweeyey masuuliyiin ka tirsan DF iyo Galmudug.

Horay waxaa Muqdisho u joogay Madaxwayne Goboleedyadda Puntland, Jubbaland, iyo Hirshabelle oo ka qeyb galaya shirka madaxda DF iyo dowlad goboleedyada ee Muqdisho ka furmaya dhowaan kaasoo looga hadlayo khilaafaadka ka taagan doorashooyinka.

Madaxweynaha Koonfur Galbeed Cabdicaiis Xasan Maxamed Lafta-gareen ayaa isna weli safar ugu maqan Turkiga, waxaana maqnaanshaha Qoorqoor iyo Laftagareen uu sabab u noqday dib dhac ku yimid shirka loo balansanaa.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Tarsan: “Hal Wasaarad oo kaliya ayaa dejisa Siyaasadda arrimaha dibeda”

Caydiid Ali

Cali Yare oo ka codsaday Madaxweyne hore Farmaajo in labo Arrin uu kala cadeeyo

Cabdi Cade

(Daawo Sawirro) Sida quruxda badan ee maanta 1-da Luulyo looga dabaaldegay Muqdisho

Caydiid Ali
Taboola Ads ---