Allbanaadir.com
NEWSWORLD NEWS

Dowlada Kenya oo dacwad u gudbineysa Golaha amaanka ee Q/Midoobay

Garsoore Kenyan oo la hadlay warbaahinta dalkaas ayaa sheegay inay dacwadda badda ee kala dhaxeysa Somalia u gudbin doonaan Golaha amaanka QM.

Waxaa uu tilmaamay in qorshahan ay dowladda Kenya diyaarisay ka hor inta aysan bilaaban dhageysiga Dacwada oo maalinimadii shalay ka bilaabatay Maxkamada Hague.

Kahor intaan dacwaddu bilaaban, dowladda Kenya waxay ku dhawaaqday inay damacsan tahay inay dib uga laabato kiiska oo ay cabashadeeda u gudbiso Golaha Amniga ee Qaramada Midoobay, oo ay hadda xubin aan rasmi ahayn ka tahay.

Kenya ayaa qorshahan ka damacsan sidii ay u sii dheereyn lahayd ka doodida iyo muranka labada dal ee dariska ah ay isku hayaan soodinta dhinaca badda sida ay qortay Jariidada The Standrad.

Siyaasiyiin iyo aqoonyahano Kenyan ah ayaa dowladooda ku dhaliilay talaabada ay kaga baxday dacwadii badda ee tiilay Maxkamada ICJ.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Bishaaro Bishaaro” Walaalkeyga Qurba Jooga ahow baro Quraanka adigoo gurigaada Jooga

Cabdi Cade

(Sawirro) Ereyadii ugu dambeeyey ee Diego Maradona & qaabkii uu u geeriyooday

Caydiid Ali

Isgaarsiinta Dhuusamareeb oo la jaray & Warar kala duwan oo ka soo baxaya

Caydiid Ali