Dalalka Germany, France, Italy iyo Spain ayaa ku biiray dalal dhowr ah oo hakiyay isticmaalka tallaalka COVID-19 ee ay sameysay shirkadda AstraZeneca, kadib markii ay soo baxeen warbixino sheegaya waxyeellooyin ay ka mid yihiin xinjiro dhiig ah oo xiray xididada dadkii qaatay tallaalkaas.
Denmark oo isticmaalka tallaalkan joojiyay todobaadkii hore ayaa xaqiijisay in haweeney 60-jir ah ay geeriyootay markii ay qaadatay tallaalka AstraZeneca, kaddibna ay xirmeen xidida dhiig mareenka, sida ay sheegtay hey’adda caafimaadka dalkaas.
Madaxa hey’adda Caafimaadka adduunka Dr. Tedros Adhanom ayaa sheegay in galinka dambe ee maalinta talaadada ah uu shir guddoominayo kulan looga tashanayo arrintan, waxaana uu sheegay inay kulankaas ka soo qeyb gali doonto hey’adda caafimaadka Yurub ee EMA.
Dalka Germany ayaa ka digay todobaadkii la soo dhaafay in Yurub ay wajahayso mawjad saddexaad oo ah caabuqa faafa ee COVID19, waxaana isbitaalada dalal ay ka mid yihiin Talyaaniga iyo Faranksiiska ay ku dhowyihiin inay buux dhaafaan.
Wasiirka Caafimaadka ee Jarmalka Jens Spahn iyo agaasimaha guud ee wasaaradda caafimaadka Talyaaniga Gianni Rezza ayaa sheegay in kasta oo halista xinjirowga dhiigu ay yartahay hadana aan meesha laga saari karin waxyeelada tallaalkan.
AstraZeneca oo dhinaceeda iska difaaceysa eedeymahan waxay sheegtay inay sameysay dib u eegis ku saabsan in ka badan 17 milyan oo qof oo ka qaatay tallaalkeeda dalka Midowga Yurub iyo Ingiriiska taasoo aan muujin wax caddeyn ah oo ku saabsan halista xinjirowga dhiigga ee la soo sheegayo.
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com