Allbanaadir.com
NEWSSOMALILAND

Madaxweyne Ku-xigeenka Somaliland oo laga helay cudurka COVID-19

Madaxweyne ku xigeenka Somaliland Cabdiraxmaan Cabdilaahi Seylici ayaa xaqiijiyay inuu haleelay cudurka COVID-19 isla markaana uu saddexdii cisho ee la soo dhaafay la tacaalayay cudurka.

Qoraal uu bartiisa twiitter-ka soo dhigay ayuu ku sheegay in cudurku ku dhacay isagoo ku booriyay dadka inay ay raacaan tilmaamaha wasaaradda caafimaadka isla markaana ay isaga iyo inta kale ee xanuusan u soo duceeyaan in Alle caafiyo.

Cudurka COVID-19 oo dunida dhibaato ba’an ku haya ayaa maalmahana dambe ku soo laba kacleeyay qaar ka mid ah degaannada Soomaalida, waxaana la sheegayaa in dadka shacabka ah aaney intooda badan raacin tilmaamaha ka imaanaya wasaaradaha caafimaadka.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

(Sawirro) Muxuu Madaxweyne Saciid Deni kala hadlay xubnaha Puntland ku metela DF?

Caydiid Ali

(Sawiro) Ciidanka Xoogga dalka oo howlgalo ka wada degaano ku dhow Jamaame

Caydiid Ali

(Daawo Sawirro) Dawooyin dhacay & qalab Caafimaad oo lagu gubay fagaare ku yaalla Muqdisho

Caydiid Ali
Taboola Ads ---