Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Xoogaga Al-Shabaab oo dagaal kula wareegay degmada Mahadaay & xiisad ka taagan

Xoogaga Al-Shabaab ayaa dagaal kula wareegay degmada Mahadaay ee gobolka Shabeellada Dhexe oo qiyaastii 23-KM u jirta magaalada Jowhar ee xarunta maamulka HirShabeelle sida ay sheegayaan wararka halkaas naga soo gaaraya.

Dagaalyahano ka tirsan Al-shabaab ayaa galabta casar gaabadkii dhowr jiho ka soo weeraray Mahadaay, waxaana halkaas ka dhacay dagaal culus oo dhex maray Al-Shabaab iyo ciidamada dowladda Soomaaliya ee degmadaas ku sugnaa

Wararkii u dambeeyey ee aan ka heleyno Mahadaay waxay sheegayaan in ciidamada dowladda magaalada laga saaray ayna isku uruursanayaan saldhigga ciidamada AMISOM ku leeyihiin Warshaddii hore ee hubka oo ku taalla duleedka degmada Mahadaay.

Khasaare dhimasho iyo dhaawac leh ayaa la soo sheegayaa inuu ka dhashay dagaalkaas, inkastoo aan tirakoob sax ah laga heynin.

La soco wixii soo kordha..

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Dowlado aan Islaam aheyn oo xiriirka u jaray Israel iyo kuw Safiiradooda kala soo baxaya

Cabdi Cade

Ra’isul Wasaare Xamse Barre oo soo dhaweyn dhoolotus ah saakay loogu sameeyay Muqdisho (Sawirro)

Cabdi Cade

Muxuu Deni kala hadlay Xildhibaanadii lagu doortay Boosaaso? (Sawirro)

Caydiid Ali
Taboola Ads ---