Allbanaadir.com
NEWS

Qaar kamid ah Wadamada Dunida oo joojiyay Isticmaalka Talaal maanta Muqdisho la keenay

Waxaa maanta magaalada Muqdisho la keenay 300,000 oo talaal nooca Oxford-AstraZeneca, oo loogu tala galay in looga hortago cudurka safmarka ah ee Covid-19 oo Soomaaliya hada kusii faafaya.

Talaalkan ayaa dowlada Soomaaliya sheegtay in la siin doono shaqaalaha safka hore ugu jira la dagaalanka cudurkan, dadka u nugul cudurka iyo sidoo kale shaqaalaha dowlada ay ku jiraan masuuliyiinta.

Waxaa soo saaray talaalkan maanta dalka la keenay Shirkadda AstraZeneca oo kaashanaysay jaamacadda Oxford, waxaana talaalkan la sheegay in looga hortagayo fayraska Covid-19, waxa uuna talaalkan  unugyada difaaca jirka u diyaariyaa sidii ay 80% uga hortagi lahaayeen in ku dhaco qofka Covid-19.

Qaar kamid ah Wadamada caalamka gaar ahaan kuwa kuyaala Yurub iyo Aasiya ayaa joojiyay isticmaalka talaalkan kadib markii la sheegay in qaar kamid ah dadkii la siiyay ay ka dhaxleen dhibaatooyin kale.

Dadka la siiyay talaalkan ayaa la sheegay in qaarkood u horseeday dhibaatooyin ay kamid yihiin xijiroga dhiiga, waxaana hada sii kordhaya wadamada walaaca ka muujinaya talaalkan isticmaalkiisa.

Wadamo ay kamid yihiin Norway, Denmark, Netherlands iyo Ireland,ayaa si kumeel gaar ah u joojiyey soo saarista iyo isticmaalka tallaalka AstraZeneca, halka wadamada Talyaaniga, Holland iyo kuwa kale sheegeen in baaritaan ku sameyn doonaan talaalkan.

Hay’adda Caafimaadka Adduunka ee WHO ayaa meesha ka saartay walaacan laga muujiyay talaalkan  AstraZeneca, waxa ayna Hay’adda sheegtay in waxyeelada la warinayo in ay ka dhalatay talaalkan aan loo heyn cadeemo .

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Axmed Madoobe oo Baaq Deg Deg ah kasoo saaray Xaalad Adag oo taagan

Cabdi Cade

Maxaa kasoo baxay kulankii Muqdisho ku yeesheen Wasiirada iyo Xildhibaanada Hawiye ?

Cabdi Cade

Waa Maxay Suuqa FOREX Exchange Market? (Taariikhdiisa & sida uu u shaqeeyo)

Caydiid Ali
Taboola Ads ---