Allbanaadir.com
NEWSWORLD NEWS

Dowlad Carbeed oo dalkeeda ka mamnuucday App-ka Clubhouse iyo Sababta keentay

Dowlada Cuman ayaa dalkeeda ka xanibtay app-ka cusub ee  codka ah  ee ‘Clubhouse’ , waxaana talaabada dowlada ku xanibtay app-kan cusub ka dhalatay cambaareyn iyo caro xoogan oo ka timid dhalinyarada.

Masuul katirsan dowlada Cuman ayaa sheegay in sababta appkan codka ee lagu doodo u xanibeen uu yahay in uusan heysan ruqsad uu uga howlgalo dalka Cuman, mana jiro faah faahin intaas dhaafsan oo dowlada Cuman kasoo baxay.

Talaabada dowlada Cuman ku xanibtay app-ka ‘Clubhouse’ ayaa hadal heyn badan ka abuuray gudaha dalkaasi, waxaana baraha bulshada dalka Cuman qabsaday cambaareyn loo jeedinayo dowlada Cuman.

Hay’adda xuquuqda aadanaha ee Cumaan ayaa si kulul u cambaareesay talaabadan dowlada ku xanibtay app-ka Mareykanka laga leeyahay ee ‘Cluphouse’ waxa ayna talaabadaasi ku tilmaameen mid ka dhan ah xuriyada hadalka.

App-ka cusub ee Cluphouse ayaa si weyn ugu baahay dunida, waxa uuna yahay barnaamijkan mid cod ah oo lagu qabto doodo sidoo kale leh qolol la isku dhaafsado aragtiyada .

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Wararkii ugu danbeeyay ee Waxgaradka Cadaado ee ka soo horjeestay go’aankii xalay ka soo baxay RW Khayre iyo Warar kale…

admin

Loollan adag oo ka jira doorashada kursiga HOP123 iyo Musharaxa loo saadaalinayo

Cabdi Cade

Dagaal ka dhacay Guriceel & Wararkii ugu dambeeyey xaalada Dhuusamareeb

Caydiid Ali
Taboola Ads ---