Allbanaadir.com
NEWSWORLD NEWS

Yaa ka Dambeeyay weerar lagu qaaday Markab Xamuul oo leedahay dowlada Iran ?

Markab nuuca xamuulka qaada ah oo laga leeyahay dalka Iran ayaa lagu qaaday weerar waxyaabo qarxa loo adeegsaday, waxaana soo baxaya tuhuno la xariira cida loo badinayo in weerarkaasi fulisay.

Markabka Shahr e Kord, ee laga leeyahay Iran ayaa waxaa ku dhacay waxyaabo qarxa oo meelo fog laga soo tuuray, waxaana markabka la sheegay in qeybo kamid ah qabsaday dab inkastoo aysan waxyeelo kasoo gaarin dadkii markabka la socday.

Dowlada Iran ayaa ku tuhmeysa in weerarkaasi ka dambeeyeen maamulka Isra’il , waxaana baarayaasha Iran ee gacanta ku haya kiiskan sheegeen in u badan tahay in Isra’il fulisay weerarkaasi markabka lagu qaaday.

“Marka aan eegno goobta wax ka dhaceen, iyo sida markabka loo beegsaday, mid ka mid ah arrimaha aadka suurta-galka u ah waa in kani uu ahaa howlgal argagixiso oo uu gaystay taliska Sahnuuniyadda (Israel),” ayuu yiri mid kamid ah baarayaasha reer Iran.

Wasiirka Gaashnaadhigga Israel Benny Gantz, ayaa diiday in uu ka hadlo weerarkan lagu qaaday Markabka Iran, waxa uuna sheegay Wasiirka in Iran hub kala duwan u diro maleeshiyaad taageersan Bariga Dhaxe jooga.

“Waan fashilinaa qeybinta hubka iyo howlgallada kale ee la xiriira horumarinta militariga, cir iyo dhulba,”’ ayuu yiri Wasiirka Gaashnaadhigga Israel Benny Gantz.

Dowlada Iran ayaa sheegtay in walxaha qarxa ee ku dhacay markabka ay suurta-gal tahay in laga soo tuuray diyaarad ayna ku dhaceen mid ka mid ah konteenarada saarnaa markabka Shahr e Kord.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Ra’isul Wasaare Rooble oo maanta la kulmay Magatte Guisee (Daawo Sawirada)

Cabdi Cade

Magaalo beddelkii lacagta Gaadiidkeeda lagu raaco Qashinka Balaastikada !!!

admin

Garsoore Xabad isku dhuftay kadib markii uu amray in xabsiga laga daayo rag Muslimiin ah

Cabdi Cade
Taboola Ads ---