Dibad baxayaal careesan ayaa weerar ay dhagxaan u adeegsadeen ku qaaday gaari uu la socday madaxweynaha dalka Argentina Alberto Fernández, xilli uu booqasho ku joogay gobolka ganiga ah ee Patagonia.
Dadka dhigayay dibad baxa ayaa ku xoomay gaarigii uu la socday Madaxweynaha xili uu wado marayay, waxa ayna dadkan oo ku qeylinayay hadalo ka dhan ah Madaxweynaha iyagoona dhagxaan ku tuurayay gaariga uu saarnaa.
Madaxweyne Alberto Fernández, ayaa xiliga weerarka lagu qaadayay booqasho ku joogay deegaano ay ka dhaceen dhibaato uu sababay dab , waxaana dabkaasi ku dhintay hal qof halka tiro kalana ku dhaawacmeen.
Dadka dibadbaxyada dhigayay ayaa ka careysnaa qorshaha dowladda ay mashaaric uga fulineyso gobolkaas oo qani ku ah dahabka, maarta iyo maaddada Uranium-ka, sida uu ku warramay wargeyska Clarín.
Baraha bulshada ayaa lagu baahiyay muuqaalo laga duubay dibad baxayaasha careesan oo dhagxaan ku tuuraya gaariga uu la socday Madaxweynaha Arjantiin, ilaalada Madaxweynaha ayaana markii dambe goobta si deg deg ah uga kaxeeyay .
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com