Waxaa maanta shir albaabada u xirnaayeen xerada Xalane ee magaalada Muqdisho ku dhax maray Golaha midowga musharaxiinta Madaxweynaha iyo Madaxda maamulada Jubbaland iyo Puntland.
Kulankan oo ahaa mid albaabada u xirnaayeen ayaa labada dhinac uga wada hadleen xaalada siyaasadeed ee dalka gaar ahaan khilaafka ka taagan doorashada iyo shirka la filayo in mar kale yeeshaan Madaxda Dowlada iyo kuwa maamul goboleedyada.
Sida aan wararka ku helnay kulanka ayaa intii uu socday Musharaxiinta iyo Madaxda maamulada Puntland is dhaafsadeen aragtidooda ku aadan khilaafka ka taagan doorashada iyo sida xiligan adag xal looga gaari karo,
Waxaa sidoo kale musharaxiinta mucaaradka iyo Madaxda maamulada Puntland iyo Jubbaland kawada hadleen sidii dowlada cadaadis loogu saari lahaa kiiska weerarkii ciidamada dowlada ku qaadeen Musharaxiinta 19-kii febraayo.
Golaha Midowga Musharaxiinta mucaaradka iyo Madaxda maamulada Puntland iyo Jubbaland ayaa xiligan leh xiriir dhaw, waxa ayna isku baheesteen mucaaradad Madaxweynaha waqtigiisa dhamaaday ee Farmaajo.
Madaxda Jubbaland iyo Puntland ayaa magaalada Muqdisho u yimid ka qeyb galka shir dhax maraya Madaxda Dowlada federaalka iyo kuwa dowlad goboleedyada, waxaana shirkan looga hadli doonbaa kholaafka doorashada ka taagan.
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com