Allbanaadir.com
NEWS

Dowlada Soomaaliya oo si adag u beenisay Warar been abuur ah oo la faafiyay

Waxaa soo baxayay warar sheegaya in dowlada federaalka Soomaaliya bedeshay qaar kamid ah qareenadii ay u qabsatay in ay ka difaacaan dacwada badda Soomaaliya kala dhaxeeya dowlada Kenya.

Xeer ilaaliyaha guud ee Soomaaliya Saleebaan Maxamed Maxamuud ayaa been abuur iyo waxbo kama jiraan ku tilmaamay warka sheegaya in dowlada Soomaaliya bedeshay qareenada dacwada badda ka difaacayay.

”Dowladda Soomaaliya meel ay ku iclaamisay in qareenadii ay baddashay oo qareenno cusub ay qaadatay ma jirto, kiiska qareenno loo xilsaaray iyagii ayaa wadaa shaqadana si fiican bey u socotaa..inta aan ka war heyno waxbo kama jiraan” ayuu yiri Xeer ilaaliyaha.

Xeer Ilaaliyaha Qaranka ayaa cadeeyay in beri bilaabaneyso dhageysiga dacwada badda ee kala dhaxeeya Kenya, waxa uuna carabka ku dhuftay in aysan marnaba ka tanaasuli doonin taako kamid ah dhulka Soomaaliya isla markaana ay la xisaabtami doonaan cid kasta oo kusoo xad-gudubta badda.

Beri oo isniin ah ayaa la filayaa in xarunta Maxkamada Caalamiga ee ICJ ka bilaabato dhageysiga dacwada badda ee u dhaxeeya Soomaaliya iyo Kenya, waxaana xarunta Maxkamada ku sugan qareenada Soomaaliya difaacaya iyo masuuliyiin dowlada katirsan.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Ganacsade Turki ah oo Xiriir dhaw la leh William Ruto oo Joma Kenyatta lagu xiray

Cabdi Cade

Muran cusub oo ka dhashay xil ka xayuubintii lagu sameeyey Taliye C/xakiin Yuusuf Xuseen

Caydiid Ali

Kheyre oo Muqdisho kusoo laabtay xili kala shaki uu soo kala dhax galay Musharaxiinta

Cabdi Cade
Taboola Ads ---