Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Wasiir Caafimaad oo xilka iskaga casilay bukaano u geeriyooday Ogsijiin la’aan

Wasiirka caafimaadka dalka JordanNathir Obeidat  ayaa maanta iscasilay kadib markii dhowr qof ay COVID-19 ugu geeriyoodeen Oxygen la’aan.

Arrintan ayaa ka dhacday isbitaal ku yaala magaalada Al-salt oo 20km waqooyiga kaga beegan caasimadda Amman.

Ra’isul Wasaaraha Jordan  Bisher al-Khasawneh ayaa amray in arrintan baaritaan lagu sameeyo halka Boqor Cabdallaha Jordan uu booqday Isbitaalka si uu u dejiyo qoysaska ay dadka ka dhinteen oo careysnaa.

Boqorka ayaa sidoo kale amray inuu is-casilo Agaasimaha Guud ee Isbitaalkaasi, Dr. C/risaaq Al-Khasmaant.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

 

Related posts

Madaxweyne Xasan oo fursado maalgashi usoo bandhigay Ganacsatada Qatar (Sawirro)

Cabdi Cade

 Jen. Tigabu Yilma oo maanta tagaya Kismaayo iyo xog ku aadan u jeedka Socdaalkiisa

Cabdi Cade

Dowlada Turkiga oo qaadeysa talaabo ay kaga aargudaneyso Mareykanka

Cabdi Cade
Taboola Ads ---