Maamulka Puntland ayaa ka hadlay dagaal xoogan oo xalay dagaalyahano katirsan Al Shabaab ku qaadeen saldhig ciidamada Puntland ku leeyihiin Togga Balli-Khadar ee Buuraha Calmadow ee Galgala.
Wasiirka Amniga Puntland Axmed Cabdulahi Yusuf oo Warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in ciidamada Puntland iska difaaceen dagaal xoogan oo xalay dagaalyahano katirsan Al Shabaab ku soo qaadeen fariisimo ciidankooda ku lahaayeen Togga Balli Khadar.
Waxa uu sheegay Wasiirka in dagaalkan uu kasoo gaaray khasaaro aan sidaa u badneyn, waxa uuna xusay in dagaalyahanadii soo weeraray dagaalka ku gaarsiiyeen khasaaro aad u xoogan.
Wasiirka Amniga ayaa sheegay in dagaalkii xalay ay iska kaashadeen Ciidamada Somaliland iyo kuwa Al Shabaab, waxa uuna shaaciyay in dagaalkaasi uu hogaaminayay sargaal katirsan ciidamada Somaliland oo lagu magacaabo Maxamed Cabdulahi Bataar .
”Xalay saqdii dhaxe waa ciidankeena soo weeraray Al Shabaab iyo Maleeshiyaad maamulka Hargeysa ka amar qaata, weerarka lagu soo qaaday saldhigga Balli-Khadar waxaa hogaaminayay Maxamed Cabdulahi Bataar oo katirsan guutada 8aad ee Ciidanka Maamulka Somaliland” Ayuu yiri Wasiirka Amniga.
Al Shabaab ayaa sheegatay masuuliyada weerarkii xalay lagu qaaday saldhiga ciidamada Puntland ku lahaayeen Togga Balli-Khadar, waxa ayna Al Shabaab sheegeen in ciidamo badan Puntland kaga dileen dagaalkaasi gaadiid dagaalna ku qabsadeen.
Maamulka Puntland oo hada dagaal kala dhaxeeyo maamulka Somaliland ayaa horey dhoor mar sidan oo kale ugu eedeesay maamulka Hargeysa in ay taageeraan dagaalyahanada Al Shabaab ee ka dagaalanta buuraha Galgala.
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com