Madaxweynaha dowlad goboleedka Puntland Siciid Cabdullahi Deni ayaa galabta si heer sare ah loogu soo dhaweeyay garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee Muqdisho.
Garoonka diyaaradaha Aadan Cadde waxaa kusoo dhaweeyay Madaxweynaha Puntland Wasiiro katirsan Xukuumada Soomaaliya ,Xildhibaanada labada aqal iyo siyaasiyiin kala duwan.
Madaxweynaha Puntland ayaa magaalada Muqdisho u yimid sidii uu uga qeyb gali lahaa shir looga hadlayo arimaha doorashada oo yeelanayaan Madaxda DF iyo kuwa dowlad goboleedyada.