Allbanaadir.com
NEWS

Ilaalada Siciid Deni oo aad u hubeesan oo Muqdisho kasoo degay (Daawo Sawirro)

Waxaa maanta garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdusho kasoo degtay diyaarad siday ciidamada ilaalada gaarka ah ee Madaxweynaha Puntland Siciid Deni.

Ciidamadan oo tiro ahaan ka badnaa kuwii Madaxweynaha Puntland horey ula imaan jiray Muqdisho ayaa watay hub kala duwan ay ku jiraan kuwa garbaha laga rido sida baasuukaha.

Madaxweynaha Puntland Siciid Deni oo saacadaha soo aadan kasoo degaya magaalada Muqdisho ayaa isku aamini waayay ciidanka dowlada , waxa uuna iska soo hor mariyay ciidamadan hubeesan oo ilaalin doona inta uu Muqdisho joogo.

Madaxda maamulada Puntland iyo Jubbaland ayaa inta badan Muqdisho la yimaada ilaalo gaar ah , halka Madaxda kale ee maamulada inta badan ilaaliyaan ciidanada Dowlada.

Related posts

Farmaajo oo ka dhoofay Muqdisho iyo Madaxtooyada oo War kasoo saartay…

Cabdi Cade

Golaha Milateriga Sudan oo soo rogay 3 bilood oo xaalad deg deg ah (Sababta)

Caydiid Ali

Noocyada diyaaradaha Darooniska iyo Gantaalladii lagu duqeeyey Israel oo la shaaciyey

Cabdi Cade
Taboola Ads ---