Allbanaadir.com
NEWS

Golaha Amaanka oo Baaq kasoo saaray Khilaafka ka taagan Doorashada Soomaaliya

Golaha amaanka ee Qaramada Midoobay ayaa shalay oo jimco ah kulan gaar ah ka yeeshay xaalada siyaasadeed ee ka taagan Soomaaliya gaar ahaan khilaafka hareeyay doorashada waqtigeeda ka dib dhacday.

Kulanka ay yeesheen golaha amaanka ayaa loogu baaqay Hogaamiyaasha Soomaalida in ay heshiis ka gaaraan khilaafka hareeyay doorashada lana qabto doorasho aan mar kale kadib dhicin xiligeeda.

Golaha amaanka ee Qaramada Midoobay ayaana ugu baaqay dhinacyada Soomaalida ee isku haya doorashada in xal ka gaaraan khilaafka kana shaqeeyaan in si deg deg ah doorashada loo qabto.

Dhinaca kale golaha amaanka ayaa waqtiga ay kasii howlgalayaan gudaha Soomaaliya u kordhiyay ciidamada nabad ilaalinta u jooga ee ka socda Wadamada Afrika qaarkood ee AMISOM.

Doorashada Soomaaliya ayaa waxaa hareeyay khilaaf sababay in dib u dhacdo, waxaana wali heshiis laga gaarin khilaafka taagan iyadoona la filayo in dhawaan shir looga hadlayo doorashada yeeshaan Madaxda DF iyo kuwa dowlad goboleedyada.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Khilaaf hareeyay Shirka Muqdisho uga socda Madaxda Dowlada iyo kuwa Maamulada

Cabdi Cade

Xubno ka soo goostay Al-shabaab oo iska dhiibay degmada..

Caydiid Ali

Ruushka oo xoojiyay Duqeymaha uu ku garaacayo magaalo dhawwaan lagala wareegay

Cabdi Cade
Taboola Ads ---