Allbanaadir.com
NEWSWORLD NEWS

Qoyska George Flyod oo magdhaw loo siinayo lacag gaareysa 27 Million oo doolar

Qoyska George Flyod oo ahaa nin madow ah oo sida arxan darada ah loogu dilay Magaalada Minneapolis ee gobolka Minnesota ayaa hada helaya lacag malaayiin dollar ah oo magdhaw ahaan loo siinayo.

Magaalada Minneapolis ayaa ansixisay in magdhow gaaraya 27 Million oo doolar la siiyo  qoyska George Flyod, waxaana lacagtan bixinaya maamulka magaalada uu katirsanaa askarigii dilkaasi geestay.

Lacagtan magdhawga ah ayaa qaarkeed waxaa lagu kaalmeyn doonaa xaafadii uu dilkan ka dhacay, gaar ahaana goobta isaga loogu magacdarey, oo ganacsiyadii ku yaaley ay waxyeelo ka soo gaartey rabshadihii ka dhashey dilkii Floyd.

Illaa lix ka tirsan xeer-beegtida dhageysan doonta dacwadda dilkii George Floyd ee gobolka Mnneapolis ayaa la xulay, iyada oo tirada guud ee loo baahan yahay ay tahay in la helo 12 xeer beegti ah.

Askari cadaan ah ayaa dil dunida ka argagax iyada oo si toos ah muuqaal looga duubayo u geestay George Flyod, waxaana dilkan ka dhashay caro badan oo abuuray in rabshado xoogan ka dhacaan dalka Mareykanka gobolo badan oo katirsan.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Maamulka Somaliland oo saaka xukun toogasho ah ku fuliyey lix nin (Magacyada)

Caydiid Ali

Diyaaradaha Dagaalka Ruushka oo ka baxay Tripoli iyo Khalifa Haftar oo niyad jab lasoo darsay

Cabdi Cade

(Sawirro) Wasiirka Difaaca & taliyaha XDS oo gaaray degaano laga saaray Al-Shabaab

Caydiid Ali
Taboola Ads ---