Allbanaadir.com
NEWS

Madaxweyne Farmaajo oo Caawa la kulmay Qoyska Marxuum Cali Mahdi (Sawirro)

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa kulan tacsi ah la qaatay ubadka, qoyska iyo qaraabada Madaxweynihii Hore ee Dalka Marxuum Cali Mahdi Maxamed oo maanta aas qaran loogu sameeyey Muqdisho.

Madaxweynaha ayaa la wadaagay ubadka, qoyska iyo qaraabada Marxuumka in maamuuska Qaran ee Dowladda Soomaaliya ay u sameysay Madaxweyne Cali Mahdi Maxamed ay ka tarjumeyso sida shacabka iyo dowladda Soomaaliyeed ay u xasuusan yihiin doorkii uu ka qaatay dowladnimada iyo hoggaaminta Dalka.

“Geerida Alle ha u naxariistee Madaxweyne Cali Mahdi Maxamed, ma’ahan mid kaligiin gaar idin taabatay ee waxa ay ahayd mid si murugo leh ay wadajir u dareemeen shacabka Soomaaliyeed. Marxuumku waxa uu door weyn ka soo qaatay dowladnimadeenna, waxa aynu weligeen ku xasuusan doonnaa sida ay uga go’nayd in dib loo sooceliyo dowladnimada Soomaaliyeed oo uu dadaal muuqda ku bixiyey.”

Ugaas Maxamuud Cali Ugaas iyo wiilasha Marxuumka Liibaan Cali Mahdi iyo Mahdi Cali Mahdi ayaa uga mahadceliyey Madaxda iyo Hay’adaha Dowladda Federaalka Soomaaliya maqaamka sarreeyey ee lagu soo dhaweeyey iyo Aaska Qaran ee loo sameeyey Madaxweynihii Hore ee Dalka Marxuum Cali Mahdi Maxamed.

Related posts

Amaro lagu soo rogay dadka galaya iyo kuwa ka baxaya magaalada Garawe

Cabdi Cade

Shiikh Shariif oo ashtako ka dhan ah DF u gudbiyey Midowga Yurub (Sawirro)

Caydiid Ali

Ra’isul Wasaare Xamse Barre oo soo dhaweyn dhoolotus ah saakay loogu sameeyay Muqdisho (Sawirro)

Cabdi Cade
Taboola Ads ---