Allbanaadir.com
NEWS

Madaxweynaha Galmudug oo Socdaal qarsoodi ah ku tagay magaalada Garawe

Wararka ka imaanaya magaalada Garawe ee xarunta maamulka Puntland ayaa sheegaya in shalay halkaasi socdaal qarsoodi ah oo laga qariyay Warbaahinta ku tagay Madaxweynaha maamulka Galmudug Axmed Ducaale Geelle Xaaf.

Diyaarad qaas ah ayaa la sheegay in Madaxweyne Xaaf geysay magaalada Garawe uu xalay ku hoyday, waxa uuna kulamo saacado badan qaatay Xaaf la qaatay Madaxweynaha maamulka Puntland Cabdiweli Maxamed Cali Gaas.

Kulanka uu Xaaf la qaatay Madaxweynaha Puntland oo sidoo kale ah Hogaamiyaha Isbaheysiga Maamul goboleedyada ayaa looga hadlay khilaafka cusub ee Galmudug kasoo shaac baxay iyo doorka dowlada Federaalka ku leedahay.

Wadahadalada ay yeesheen Madaxweynaha Puntiland iyo kan Galmudug ayaan Warbaahinta xog laga siin, waxaana safarka uu Xaaf ku tagay Garawe uu ahaa mid qarsoodi ah inkastoo Warbaahinta ka war heshay.

Tagitaanka Xaaf ee magaalada Garawe ayaa kusoo aadaya xili Madaxda Galmudug uu ka dhaxeeyo Khilaaf xoogan oo sababay in labo garab u kala jabaan, waxaana Hogaanka Galmudug hada xarun u kala ah Dhuuso Mareeb iyo Cadaado.

Hogaanka is khilaafka ee maamulka Galmudug ayaa ku kala aragti duwan cida dhax dhaxaadineysa, waxaana horey u fashilmay wadahadal ay ku baaqday Wasaarada Arimaha Gudaha Xukuumada Soomaaliya.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Internet la’aan Maalintii 3aad ka jirta dalka Itoobiya iyo Sababta ka dambeysa

Caydiid Ali

Naadiga Ardayda Minxadda Waxbarasho Ee Hormuud Salaam Foundation oo la Daah-furay (Sawirro)

Cabdi Cade

Wafdi dhambaal u sida Madaxweyne Xassan Shiikh oo Muqdisho soo gaaray

Caydiid Ali
Taboola Ads ---